Beledweyne:-Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle uu saameeyay qaar ka mid ah magaalooyinka hoos taga Gobolkaasi Hiiraan.
Meelaha uu sida weyn uu u saameeyay Fatahaadda Biyahay Webiga Shabeelle ayaa waxaa ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan , halkaasi oo ay ka barakaceen qoysas badan .
Dadka shacabka ah ee ka barakacay Fatahaadda webiga ayaa inta badan waxa ay gaareen deegaannada iyo Tuulooyinka hoos yimaadda gobolka Hiiraan .
Fatahaadda webiga ayaa waxa uu saameeyay ganacsiga magaalada Beledweyne, iyadoo ganacsatada ay arrintaasi ka muujiyeen walaac xooggan, maadaama ay sheegeen in uu hoos u dhac ku yimaadday ganacsigooda, ayna barakaceen dadkii wax ka iibsan lahaa .
Dhinaca kale Ganacsatada qaar ayaa sheegay in ay doonayaan in ganacsigooda ay la aadaan meelaha ay dadku u barakaceen, si uu kor ugu soo kaco ganacsigooda .