Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side oo la soo taagay Guddoomiye Degmo oo loo Heysto Dilka Masuul Kale.

Maanta oo Khamiis ah la soo taagay maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya guddoomiyihii hore degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo shakhsi kale.

Guddoomiyiha iyo shakhsi kale oo lagu magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa la hor keenay maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxaana loo heystaa Qarax uu ku dhintay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

19-kii bishii April ee sanadkan 2019-ka ayaa qarax lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Maxaas iyada oo la aaminsanyahay in Labadan ay ku lug lahaayeen qaraxaas lagu dilay Cabdi Rashid Cusmaan Carab.

Xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamada ciidamada ayaana ku soo eedeeyay labadan nin ee maxkamada kasoo hor muuqday in ay wax ka maleegeen qaraxa lagu dilay Gudoomiye kuxigeenka.