Maxay tahay Sababta ka dambaysa in Ciidamada Itoopiya Hawada ka Saaraan Isgaarsiinta Baydhabo.

Wararka ka imaanaya degmooyin katirsan Gobalka Bay ayaa sheegaya in Ciidamada Itoopiya hawada ay ka saareen Anteenada Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay in ciidamada Itoopiya Hawada ay ka saareen qadka Isgaarsiinta degmada Buurhakaba iyo Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sababta ciidamada hawada ay uga saareen maanta qadka isgaarsiinta Shirkada ayaa lagu sheegay kadib markii qarax lagula eegtay deegaano katirsan Gobalka, taas oo sababtay iney lug uga soo baxaan halkaasi oo ay usoo jiheystaan magaalada Baydhabo.

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobalka iyo kan Koofur Galbeed oo la xariira, Xayiraada Shacabka laga saaray isticmaalka Adeega Lacag dirista ee ay isticmaasho shirkada Hormuud.

Isku Socodka dadka iyo gadiidka ayaa hakad galay kadib markii saacado badan oo xiriir ah dadka aysan isticmaali karin lacagihii Taleefanadooda ay ku wateen.