Dalka Koonfur Afrika oo ay ku sii kordhayaan Dilalka loogu gaysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya kooxo hubaysan in ay dileen muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee ganacsiyada ku leh gudaha dalkaas.

Allaha u naxariistee Marxuumkaasi Soomaaliga ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Abdijibaar Abdullaahi jimcaale,waxaana lagu dilay deegaano ka fog Magalada Johannesburg oo ganacsi uu ku lahaa kadib markii ay goobtiisa ganacsi ugu galeen koox burcad ah oo hubaysan.

Ganacsato kale oo Soomaali ah kuna nool dalka Koonfur Africa ayaa dalsan u xaqiijisay in xalay la dilay Allaha u naxariistee Abdullaahi jimcaale,iyada oo ay xusid mudantahay sidaan oo kale in dhowr jeer loo dilay Ganacsato Soomaaliyeed.