Xaafad Shidan oo laga Dhisayo Degmda Kaaraan!!! (Ijaarba Allaha ka Dhigee waa Inaan Degaa)

Xaafad casri ah oo aan horey loo arag ayaa markii ugu horeysay laga taaba-galinayaa Degmada Kaaraan, runtii waa xaafad #Shidan oo adeeg walb ay u dhan yihiin, naqshada loo sameeyay xaafaddaasi ayaa soo jiidatey in badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, magac la yiraahdo Gurya_samo ayaa loogu wanqalay guryaha halkaasi laga sameynayo.

Qurux iyo dhal-dhaal aan caadi aheyn ayaa ka muuqato xaafaddaasi oo dacalka ku haysa Bad-weynta Hindiya, waa magaalo guuraysa oo ay u dhan yihiin wax walba oo lagama maarmaan u ah nolosha bani’aadamka, Waddooyin Laami ah, Nalal casri ah, Super Market-yo, Masjid, Gym-kii cayaaraha, Maqaayaddo, Carwooyin, Xarumo Bangiyo, goobo Caafimaad, Barking-no baabuurta la dhigan karo Iwm ayaa ka helaysaa xafaddaasi oo lagu naaneyso #Mucjisadii_Muqdisho.

Guryo hal-xiraale kuugu noqonayo ayaa ishaada buuxin doono marka aad aragto naqshada loo sameeyay xaafaddaasi, nasiib waxaa leh ruuxii hoy ka hela halkaasi, inkastoo aan ka mid ahay dadka #Badda rinjiyeeya ayaa haddana waxaa ku dadaali doonaa sidii aan guryahaasi casriga ah hoy uga heli lahaa, #ijaarba Allaha ka dhigee!

Ammaan & bogaadin waxaa mudan Shirakadda Marina Beach Estate oo dhismahaas gacanta ku haysa, Hambalyo ayaa leeyahay Magaaleynta cusub ee #Kaaraan!!!
WD:Cabdulaahi Shiikhaalow