Maxaan ku soo arkay Gaalkacyo,,,?

Mahadcelin:

Waxaan u mahadcelinayaa Jaamacadda Galkacyo University –GU oo igu martiqaaday in aan ka qeyb galo xafladda Sannad guuraagii 9aad ee furitaanka Jaamacadda iyo Qalin bedelashada Dufcadii 5aad iyo Maamulka oo ii soo daweeyay si xushmad leh, iyo in aan Ardayda siiyo Shahaadada Jaamacadda, Anigana la i siiyay Shaahado sharaf ( F.S:1, 2,3 &4aad)

Waxaa kale oo aan u mahad celinayaa, Madasha Nabadda iyo isdhaxgalka Dhalinyarada Gobalka Mudug, Dhalin yarada (Hal Abuur ) ee diyaarinayay Maktabad weyn oo Buugaagta lagu akhristo iyo Xarunta Cilmi Baarista iyo Horuumarinta Galmudug.(F.S: 5,6 & 7aad)

Hordhac.

In kasta oo aan joogay Magaalada Muddo gaaban oo ah 43 saac , Jaamacaddu waxa ey ka mid tahay qiyaastii 9ka Jaamacadood ee Magaalada, oo wax baro ardayda ka soo baxdo ugu yaraan 20 ka Dugsi Sare ee Magaalada oo uu ka mid yahay Dugsiga Al-Shacab oo ah dhismo 3 Dabaq ah oo ey dhiseen Jaaliyadda waqooyiga Ameerika. Jaamacada waxaa asaasay qaar ka mid ah Bulshada deegaanka ee Dibadda iyo Gudaha. Ardayda dhigato Jaamacadda GU Gabdhuhu Laba jibaar ayeey ka badan yihiin wiilasha.

Ardayda dhameeysatay Jaamacdu waxa ey ka shaqeeyaan isla deegaanka ,Tusaale: 12 Gabdhood iyo 6 wiil oo isku fasal ahaa Bartayna Caafimaadku waxa ey ka shaqeeyaan Isbitaalada Gobalka, dhamaantood waa Guursadeen waxa eyna leeyihiin 78 caruur ah, taa oo muujinaa in Deegaankii eynan cidleeyn, jaamacaduna ey la socoto xaaladda Ardaydii hore ee dhameeystay Jaamacadda. Imtixaan ey Hayadu ka qaaday shaqaale badan oo Caafimaad oo ka soo shaqa doontay Gobalada Dalka ,tirada ugu badan ee ku guuleeysatay waa ardayda GU.

Waxa kale oo jira Arday ka qalin jabiyay Jaamacadda oo dibadda wax barasho Sare u aaday, markii eey soo dhameeysteena Jaamacda Macalimiin ka noqday sida Dr. Layla ( F.S: 8aad) waxaa kale oo aan Jaamacadda kula kulmay Macalin Fasal wax ka dhigayo ahna Hormuudka Kuliyada Dhaqaalaha oo igu yiri: Ima xasuusatid laakin waxaan ahay Ardaygaagii 16 Sanno ka hor, Shahaadadeydana adigaa ku saxiixan.

Jaamacadu waxa kale oo ey igu sharaftay in aan ka qeyb galo Ciyaar Kubadda Cagta oo Kooxada GU iyo kooxda Nabaddu ey ku wada ciyaarayeen Garoonka Md. Cabdullahi ciise. (F.S: 9 & 10aad)

Waxaa kale oo Farxad ii aheyd in aan markii iigu horeeysay aan la kulamay, Ayaan Cabdiraxman Nur oo ka qalin jabisay Kuliyada Caafimaadka Sannadkii hore oo aan bixin jiray kharajkeeda jaamacadda bacdamaa eey aheeyd Agoon, hore magaceeda ayaan u aqiin laakin wajigeeda markaan ayaa iigu horeeysay, weli ma aqaan Somali cid ey ka tahay mana rabo in aan ogaado.(F.S: 11aad)

Magaalada:

Magaalada Gaalkacyo waxaa la asaasay qarnigii 20aad kadib burburkii Maamulkii Hobyo, waana magaalo da’ yar, welina ey ka muuqdaan Qalcadihii taariikhiga ahaa ( F.S12 & 13aad) Magaaladu waxa ey ku taal Bartamaha Dalka taa ayaana siisay muhimad gaar ah. Sida Gobalka Mudug uu ugu qeybsan yahay Laba Gobal ayaa Magaaladu ugu qeybsan tahay Labo qeybood. Aniga waxa ey ii aheyd hal Magaalo, Labada dhinacna waan wada tagay waxaana kula kulmay Asaxaab badan.( F.S:14-23)

Magaalada waxaa ka muuqda in ey tahay mid sii koreeyso, waxaa magaalada Camiray Qurba joog Ganacsato ah, Qaar ayaa iska sii iibiyay Guryahoodii Xamar ku yiil, si ey u degaan Gaalkacyo, kuwa kale ayaa leh intii aan Guryo ka dhisan leheeyn Nairobi , Turkey iyo Dubai waxaa noo dhaanta Halkaan. Waxaa kale oo huruumarka door weyn ka qaato Haweenka oo ey muuqato in ey ka shaqa badan yihiin Ragga.

Mudadii aan Joogay Magaalada waxaan la kulmay “Madasha Nabadda iyo isdhaxgalka Dhalin yarada Gobalka Mudug oo Xaruntooda aan ku qaabilay, hal ku dhagooduna ahaa ( inta nool ayaa Nabad u baahan) waa Dhain yaro ka kooban Labada dhinac ee Magaalada , waxa ey isku keenaan Ardayda Jaamacadaha iyo dugsiyada labada dhinac iyo Agoonta oo ey ku jiraan kuwa Reer Miyigu.

Dhalin yaradu markii aan la kulmay waxa ey ku hoowlanaayeen Howl Maalmeedkooda waxa eyna qorsheynayeen in ey u gudbiyaan Nabadda Magaalooyinka kale ee Gobalka , Idaacadaha Gobalka waxa ey ka mamnuuceen in ey wareeystaan ama fidiyaan wararka Qof ka hadlayo hadal Colaad abuuri karo. Mana helaan dhaqaale ka baxsan Jeebkooda.

Waxaan soo wada marnay Labada dhinac ee Magaalada, waxaa kuu muuqanee in dhalin yarada deegaanku ey ka gudbeen marxaladii Dagaal beeleedyada, waxa ey ka cabanayeen Rag odayaal ah oo mar kasta Guciyo ama abaabulo Colaad iyo Reer Miyiga oo ku dagaalo daaqa. Taa oo abuuree in waqtiyada qaar uu sii jiro kala xirnaan ama khad cagaaran oo ah dhinaca maskaxda laakin ficil ahaan aan muhum aheyn. Hadda nabad galyadu waxa ey aheyd mid sare oo gaadiidka looga tagayo banaanada. Inkasta oo habeenkii saacada 11:00 pm wixii ka dambeeyo uu dhaqdhaqaaqu istaagayo, mana jirto meel dhalinyaradu ey habeenkii isagu yimaadiin.

Indha Adeeygii hore ee lagu sheegi jiray Reer Gaalkacyo waa sii yaraanayay, waxaan arkay Ciyaal Asal ahaan Reer Afgoi ahaa oo Magaalada ku dhashay kuna hadlayo Lahjadii Gaalkacyo, oo waabsanayo Kuwo reer Gaalkacyo ah.

Magaalada waxaa ku yar Haweenka is cadeeyo, ma ogi in ey sababtu tahay Cimilada magaalada oo kulul ama mid dhaqan ah. Magaalada waxaa ku badan Ariga oo qoys walibaa uu dhaqdo oo aad isleedahay wuxuuba ka badan yahay Dadka Magaalada.

Waxaa ii suura Gashay mudadii aan joogay in aan tago Qabrigii Saaxiibkeey Sheikh Cumar Sheikh Maxamed Faarax AUN oo aan u soo duceeyo, ALLAHNA aan uga baryay Jannatul fardoowsa.

Dhibaatada Ugu weyn Magaalada:

Dhibaatada ka jirto Magaalada waxaa ugu badan ,Dhul la iska xirtay oo asaas loo sameeyay oo aan dhisneeyn, Dhirtii oo la xaalufinayo ,Bacaha oo deegaanka fara kulul ku hayo, iyo Dhibaato hadda ku soo korortay Dalka oo dhan Guud ahaan oo ey la wadaagaan Gobalada qaar iyo Magaalada Mogadishu, waa nuucyada Kala duwan ee maandooriyaha taa oo aan u maleynayo in ey tahay mid qorsheeysan, in dhalinyarada Dalka lagu mustaqbal tiro, Gaar ahaan khamriga laga keeno Itoobiya oo lagu iibinayo qaar ka mid ah Dukaamada, Farmashiyayaasha iyo Gooba kale oo Magaalada Galkacyo Gudaheeda ah , wilibana qiimaha mid aad u jaban laga dhigay. Taa oo hadda Ururada dhalinyaradu ey bilaabeen Olole looga hortagayo.

Qore: Yahya Amir