Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Kismaayo kulumo kula leh Dhaliyarada Soomaaliyeed.

“Waxaa sharaf noo ah aniga iyo mas’uuliyiinta xisbiga Himilo Qaran ee maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland inaan kulan la qaadanno dhalinyarada aqoonyahanka ee reer Jubaland ee ku sugan Kismaayo”.

Kulanka ayaan ka jeediyay Muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Kaalinta dhalinyarada aqoonyahankaa ay ku yeelan karaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya” aniga oo kula dardaarmay in dhalintu isku bahaystaan sidii ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen dib u dhiska dalka.

Dhanka kale Xisbiga Himio Qaran ayaa ka wada Magaalada Kismaayo Wacyigelin fara badan oo uu u samaynayo Dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Kismaayo.