Lataliyaha sare ee dhanka saxaafadda Hirshabelle Xasan Mudey ayaa kawarramay howlgallo kasocdo Jowhar iyo Balcad

Xasan C/qaadir Mudey oo lataliyaha sare dhanka saxaafadda madaxweynaha Hirshabelle State Maxamed Cabdi Waare ayaa kawarbixiyay howlgallo kasocda deegaannada hoos yimaada Caasimadda Hirshabelle State ee Jowhar iyo deegaannada hoos yimaada degmada Balcad.

Warbixintiisa ayuu soo dhigay bartiisa facbooka waxa ayna uqorneyd sidaan:-

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in ay waddada udhaxeysa caasimadda Hirshabelle ee Jowhar iyo Balcad ay kasocdaan howl gallo lagu xaqjjiiniyo amniga wadddada isku xirto labada magaalo.

Ciidamada booliiska iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaya ayaa wada howlgalka billoowday galbta illaa caawa,waxaana si isku tashi ah dowladda Hirshabelle State ka go’an in ay xaqiijiso amaanka guud ee deegaannadeeda.

Sida aad lasocotaan dhawaanahaan kooxaha qaswadayaasha ayaa kasoo hayaamay gulufkii dagaalka oo ay ku qaadeen ciidamada xoogga dalka qaybahooda kala duwan, taasoo sababtay in ay soo aadaan goblka shabellaha dhexe.

Dowladda dhexe ayaanan qorshe dhameystiran oo cadaaladeysneyn howlgalka uga fulin labada shabeelle, waaana ayaan darrada keentay in shabellaha dhexe oo daris la ah shabellaha hoose uga soo tallaabaan.

Taliyaha ciidamada booliiska dowladda Hirshabelle State Cornel Xasan dhicisoow iyo gudoomiyaha gobalka shabellaha dhexe Ahmed Meyre Makaraaan ayaa hogaaminaya howlgallada habeensaday ee kasocda dhamaan tuulooyinka u dhaxeeya caasimadda Hirshabelle State ee Jowhar iyo Balcad.

#Hirshabellanimadaa nawada deeqda !
Hassan Abdulkhader Mudey