IGA DAMBEEYOOW IGU QUUSQAADO.!!!

Waagii aan caafimaadka qabay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya saaxiib ayay ila ahayd sida masawirka ka muuqda.

Waxaa dhici jiray in shirarka jaraa’id qaarkood aan la qaban jirin ilaa aan imaado, lkn wixii ka dambeeyay markii gaariga qaraxa la iigu xiray ee aan dhaawacmay 4tii December 2018 ilaa hadda mas’uuliyiinta ugu sarreeysa ee Wasaaradda Warfaafinta ee DF sida wasiir Maareeye iyo agaasime Al Cadaala albaabbada ayay iga xirteen.

Waxtar ha joogee taleefoonka xitaa waa la iga qaban waayay, aniga lacag ama dhaqaale kama rabin ee waxaan ka doonayay in ay garab igu siiyaan sidii aan fiiso (Visa) ku heli lahaa maadaama caafimaadkeyga dalka gudihiisa wax looga qaban waayay.

Waa adduunyoo ilko sare ma leh !!!

IGA DAMBEEYOOW IGU QUUSQAADO !!!

Maxaa dadnimo xumo isdabayaal.!!!

WQ:- Suxufi Ismail Sheikh Khalifa