Dagaal Deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhexmaray Ciidamada milateriga iyo kuwo Deegaankaasi ah.

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelashada Biyaha ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saacado la hakiyay isku socodka dadweynaha iyo goobaha ganacsi ee deegaankaasi, kadib markii uu iska hor imaad uu ka dhex dhashay ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin milateriga Soomaaliya iyo ciidamo ilaalo u ah guddoomiyaha deegaankaasi Ceelasha Biyaha .

Ciidamada milateriga Soomaaliya ayaa la sheegay in shalay gelinkii dambe ay ka baxeen magaalada Muqdisho isla markaasina ay xoog ku la wareegeen saldhigga deegaankaasi oo ay gacanta ku hayeen ciidamo ka amar qaata guddoomiyaha deegaankaasi Ceeasha , sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka .

Waxaa la soo werinayaa inay gacanta ku hayaan saldhigga deegaankaas ciidamada mileteriga Soomaaliya ee ka baxay magaalada Muqdisho,iyadoo la sheegay inay kuwii hore saldhiggaasi u haystay ku sugan yihiin meel aan sidaa uga fogayn deegaanka .

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa cabsi weyn ka muujiyay xaaladda deegaankaasi Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellada Hoose.