Axmed Madoobe:-“Maamulkeena wuxuu diyaar u yahay Wada-hadalka Dowladda Dhexe”,

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), ayaa xalay Madaxtooyadda Magaaladda Kismaayo ugu sameeyay Xafladd Sagootin aheyd Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Caleema-saarkiisa.

Xafladda waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Puntland, Siciid C/laahi Deni, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Somaliya, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Shariif Axmed Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne-yaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed madoobe), oo Xafladda ka hadlay ayaa mahadcelin u jeediyay xubnihii ka soo qeyb galay Caleema-saarkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inaanay maanta Somaliya ka jirin cid beel beel isu haysata, taasina ay tahay mid mar hore laga soo gudbay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xafladda ay ku sugan yihiin madax dalka soo gaarsiisay halka uu maanta marayo, isla-markaana aan loo baahnayn in dalka dib loo celiyo.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Dowladda Somaliya ugu baaqay in laga wada shaqeeyo horu-socodka dalka.