ADEN DU’ALE FARMAAJO UMA GAFIN EE SOOMAALI BUU U GAFAY:


Dastuurka dalka Soomaaliya wuxuu ku qasbayaa hogaanka xukuumadda Soomaaliya inuu difaaco dhulka iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya, wuxuu kaloo leeyahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waa astaanta dalka Soomaaliya.

Af-hayeenka Golaha sharci dejinta dalka Kenya Adan Bare Du’ale, waa ninkii meel mariyay sharcigii ahaa inay dowladda Kenya ayku duusho dalka Soomaaliya ayna xoog ku qabsato dhulkeeda iyo badeeda ( eeg warqada hoosta ku lifaaqan)

Waxaa nasiib daro ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, inuu Adan Du’ale uu Soomaaliya dhexdeeda gaf ugu geeysto hogaanka Jamhuuriyadda dalka Soomaaliya.

Gafkaasi waa mid sharaf daro ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, tani waxay ka marqaati kaceeysaa meesha ay maanta Soomaali is dhigtay, waxay ahayd inkastoo aan kala fikir duwanahay siyaasadda dalkeena, lakiin marka ay timaado difaaca sharafka iyo dalka Soomaaliya inaan isku mowqif ka noqono arintaas.

Wa bilaahi towfiiq,

Sheekhnoor Qaassim