Shaqo Ka banaan Madaxtooyada!!! Dalka. (Faallo Cajiib ah)

In kasta oo ey tahay Shaqo aad u culus haddana Dad Badan ayaa soo codsaday, haddii ey ku guuleeysteena ku farxay.

Shuruudaha shaqada waxaa ka mid ah:

Sagaal bilood oo tijaabo ah iyo Imtixaan adag kadib.

1-Waxaad la shaqeeynee Agaasimaha guud ee Xafiiska.

2-Waqtiga shaqadu waa 24 Saac oo xiriir ah.

3-Hurdada waqti kasta ayuu Agaasimuhu kaa soo toosin karaa Adiga.

4-Agaasimuhu hadduu Xanuunsado waa in aad Adiguna muujisaa Murugo ka badan tan isaga heeyso.

5-Shaqaalaha kale ee Xafiiska, Musuuliyadaada shaqo ku wada aamini ma kartid.

6-Dalacaad waxaad sugee Muddo dheer kadib.

7-Waxa kale oo aad Caawinee Agaasimayaasha kale ee isaga xilka uga horeeyay.

8-Fasax shaqo oo buuxo malihid.

9-Xafiiska iyo Dharka Agaasimaha waa in aad mar kasta Nadiifisaa.

10-Haddii howl Agaasimuhu u baahan yahay, Xafiiska ka banaanka looga Baahdo waad qabanee.

11-Isaga oo baahan wax cuni kartid.

12-Saxaradana waa in aad ka dhaqdaa Agaasimaha.

13-Mushaar malihid.

Agaasimuhu waa Adiga, Qofka Shaqadaa dhibka badan soo codsadayna waa Hooyadaa Macaan.

Xuquuqdii iyo Gunaddii u ururtay ma iska bixisay? Maba wada bixin kartide, Duco ma ka heshay. Hooyo Aduun iyo Aakhiriba ALLA ha u naxariisto. Aamiin, Aamiin.

FG: Hooyo Xaqeeda Hala Ilaaliyo. Waa iga Talo.

Qore: Yahya Amir