Sarkaal horey uga tirsanaa Al-Shabaab oo xalay lagu dilay Kismaayo

Kismaayo:- Maleeshiyaad ku hubeysan bastoolado ayaa xalay magaalada Kismaayo waxaa ay ku dileen sarkaal horey uga tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shababab.

Dilka ayaa waxaa fuliyay dhalinyaro gaaraysa labo ruux oo marxuumka rasaasta kala dhacay qeebaha sare ee jirkiisa, sida warbaahinta ay u sheegeen dadka deegaanka.

Ninkaas la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cumar, waxaana uu mar ka soo mid noqday dagaalamayaasha Al-Shababab, inkastoo oo isku soo diibay ciidamada maamulka Jubbland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu macalin ka ahaa iskuul ku yaala magaalada Kismayo.

Ciidamada amaanka ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa ay baaritaano ka wadaan bartamaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha maamulka Jubbaland.