Ciidamada amaanka ayaa saakay xiray inta badan wadooyinka Muqdisho.

Xiritaanka Wadooyinka ayaa yimid iyadoo maanta ay ku began tahay 14 october, iyadoona munaasabad loogu duceynayo dadkii ku nafwaayay musiibadii zoobe manta lagu qabanayo isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in xuska ay ka qeyb galaan madaxda ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale kale Dadweyne fara badan ayaa isu diyaarinaya saaka xuska Qaraxii weynaa ee 14kii October ee sanadkii hore maanta oo kale ka dhacey Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.