Wasiirka Haweenka oo ku dhawaaqday soo saarista billowga diyaarinta sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya.

Muqdisho:-Munaasabad lagu shaacinayo geedi-socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka qaran ee naafada Soomaaliyeed ayaa maanta oo Axad ah waxay wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanuhu kaga dhawaaqday magaalada Muqdisho.


Waxaa la rajaynayaa in uu sharcigani si buuxda ula jaanqaadi doono ballanqaadyadii Soomaaliya ee ku xusan heshiiska Qarammada Middoobay ee dadka Naafada ah (CRPD).
Iyada oo wasiirku ka hadlaysay furitaanka shaacinta waxay cadaysay in ansixinta heshiiska Qarammada Middoobay ee xuquuqda dadka Naafada ahi uu fure u yahay sugida iyo dadaalada loogu jiro kor u qaadida xuquuqda dadka naafada ah.

“balanqaadyadeenna ah inaan horumarino oo aan ilaalinno xuquuqda dadka naafada ah waa mid aan kala go’ lahayn; maanta waxaan bilaabeynaa cutub cusub oo ku saabsan xuquuqda dadka naafada ah”. Intaas waxaa dheer, wasiir Deqa Yasin, waxay goobta ka cadaysay in dadka naafada ahi ay si buuxda uga qeyb noqon doonaan geedi socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka si loo hubiyo lahaanshohooda buuxa iyo ixtiraamka mabaa;diida aasaasiga ee ah “waxba ma dhacayaan iyada oo aan laga talogalin dadka naafada ah”.

Diyaarinta Hindise-sharciyeedka Qaran ee Naafada Soomaaliya ayaa imaanaysa xilli ay Soomaaliya ku guda-jirto dhaqangalinta Axdiga Qarammada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada ah. Soomaaliya waxaa ay axdigan saxiixday 2-dii Octoobar 2018:

Baarlamaanka ayaa meelmariyay 18-kii May 2019-ka iyadoo uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qalinka ku duugay 21 Juun 2019.

Xafladda lagu soo bandhigayay bilaabitaanka qoritaanka hindise-sharciyeedka ayaa waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee khusayso oo ka kala yimid dhammaanba dalka daafihiisa.