Daahir Geelle:-“Dowlada hada jirta ma taqaan Wadahadal iyo Tanasul ee waxay taqaanaa in laga Adkaado Ama..”

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Dowladda haatan jirta aysan aqoonin Wada hadal iyo Tanaasul ay kaliyah taqaano in laga adkaado ama ay adkaato.


Daahir Geelle oo hadal ka jeedinayay Xafladda Caleema-saarka madaxweynaha maamulka jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in go’aanaadda Dowladda haatan jirta qaadanayso ay yihiin kuwa aan laga fiirsanin.

“Soomaaliyay waad xasuusan doontaane dowladeena Wadahadal ma taqaano, waxay taqaanaa in la daba kaco ama in ay dadka ka adkaato, dadka Soomaaliyeed dabcikooduna waa in la wadahadlo oo la isku tanaasulo oo la is qaato, marka waxaa haboon dadka Soomaaliyeed waxay rabeen in dowladdu la rabto” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Xukuumdda Federaalka Soomaaliya Daahir maxamuud Geelle, ayaa mudooyinkii dambe eedeen u jeedinayay Madaxda Dowlada Soomaaliya,wuxuuna dhawaan iska casilay xil wasiirnimo.