Axmed Madoobe:-“Ma ogolaan doonoin Taako Ka mid ah Dhulka Soomaaliya la Qaato..”

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu Caleemo saaray Munaasabad weyn oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweynaha ree Jubbaland ah.

Madaxweynaha oo Munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay dhinacyo kala duwan isagoo ugu horayn ka hadlay xaalada Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu sheegay in doorashadii kadib ay Socdaan dadaalo lagu xalinayo wixii tabashooyin ah ee jira albaabaduna ay u furan yihiin dhamaan dadka ree Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay in taako kamid ah Dhulka Soomaaliya aanay cidina qaadan Karin isla markana wararka Bulshada lagu beer laxowsanayo ay yihiin kuwo aan mara niyad jabinaynin Shacabka Soomaaliyeed Midnimadooda iyo wax wada qabsigooduna uu sii jirayo.

Mudooyinkii dambe ayaa la isla dhexmaray in Jubbaland ay taageero ka raadsanayso Dowladda Kenya oo xiriir fiican kala dhaxeynin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Dowlada Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay waalidkii Dowladaha xubnaha ka ahna ay yihiin garbahii ama Caruurtii loona baahan yahay in ay is kaashadan oo si wadajir ah danaha Qaranka uga shaqeeyaan wuxuu Madaxweynahu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay wax walba oo khilaafadka jira xal lagaga gaarayo.