Al-Shabaab oo Xukun Dil ah ku Fuliyay Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Hir-shabeelle.

Mas’uulka la dilay ayaa ahaa guddoomiyaha Xaafadda Buula Sheekh ee magaalada Jowhar, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab.

Fagaare ku yaal deegaanka Fiidoow ee dhaca halka ay iska galaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa shalay gelinkii dambe lagu dilay Cali Cabdullaahi Xasan oo 82 sana jir ah,waxayna Maxkamadda shabaab ku Xukuntay Xukun Dil ahaa,kadib markii uu qirtay dambiyo lagu eedeeyay.

Dhanka kale ma jiro waxwar ah oo ka soo baxay dhnka maamulka Hirshabeele oo ku aadan hadalka ka soo yeeray Al-Shabaab ee ah dilka Mas’uulkaasi.