Al-shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyo ka dhacay Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe.

Qarax ka dhacay Degmadda Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose,ayaa waxaa ku dhintay 4-askari, 10-kalana way dhaawacmeen kadib markii Miino la kacday Gaari ka yimid Saldhiga Deegaanka Balidoogle.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe ayaa Sheegaya in qarax khasaare dhaliyay halkaas lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa maamulka Hirshabelle.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah waxayna dhaawacyo garaab ah gaareen Afar askari oo gaariga la socday.

Dhammaan qaraxyadan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda waxaa mas’uuliyadooda sheegatay Xarakada Shabaab.