Munaasabaddna caleema saarka madaxwaynaha Jubbaland oo Kismaayo ka socota.

Waxaa magaalada Kismaayo ka socota xaflada caleema-saarka madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (AxmedMadoobe).

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalaya wafuud kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa dalka dabadiisa ka yimid.

Waxaa ka mid ah xubnaha ka qeybgalaya xaflada caleemasaarka madaxwaynayaashii hore ee Somaaliya Xasan Sh Maxamuud iyo Sh Shariif sh axmed.

Madaxwaynaha Puntland Saciid cabdulahi Dani iyo madaxwaynayaashii hore e Galmudug iyo Konfur galbeed Shariif xasan Sh Adan iyo Cabdi Kariin Guuleed ayaa sidoo kale goobjoog ka ah.

Waxaa sidoo kale saaka Kismaayo gaaray wafdi ka socday dowladda Kenya oo uu hogaaminayay hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Adan Bare Ducaale.

Xafladda Caleema saarka madaxwaynaha Jubaland ayaa hore dib loo dhigay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay amartay in diyaaradaha Kismaayo tagaya ay Muqdisho soo maraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sharci darao ku tilmaamtay dib u soo doorashadii Axmed Madoobe.