Maxaa dhacaya haddii ay Dowladda Kenya markale ku xadgudubto hawada Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya waxa u banaan laba arrin midkood: 1- Dacwad cabasho ah in markale u gudbiso Qaramada Midoobe. 2- In ay xiriirka u jarto dowladda Kenya. Laakiin dal ciidankiisu dalkaada ku sugan oo amniga dalkaada wax ka sugaya xiriirka ma u jari kartaa ?. Waa su’aal jawaab u baahan. Waxaa kaloo xusid mudan in Ciidamadda Kenya markii horeba Soomaaliya ku soo galin ogolaansho ay ka haysato dowlad Soomaaliyeed, inkastoo markii danbe ay ka mid noqdeen ciidamada Amisom.

Xeerka caalamiga (International law)wuxuu dowlad walba siiyaa madaxbanaani “Sovereignty” ay arrimaha dalkeeda ku maamulato laakiin sharcigan boqolaal jeer baa lagu xadgudbey oo dowladdo waaweyn ayaa jabiya. Mida hadda ugu danbeysey waa gelida ciidamada Turkida ay galeen dalka Siiriya. Mareykanka dhowr mar buu sameeyey oo maba ilaaliyo, Israa’iil wey jabisaa oo Siiriya iyo Lubnaan hawadoodu wey ku xadgudubtaa. Sacuudiga iyo Imaaraadkana si fool xun ayey madaxbanaanida dalka Yeman ugu xadgudbayaan xilligaan hadda la joogo cid la hadashana ma laha.
Waa sababaha dowladuhu ku qasbo in ciidan adag dhistaan oo dalka xuduudahiisa iyo hawadiisa difaaci kara. Sharuucda caalamiga keliya dal kuuma difaaci karaan.

Waa sababtii 60 meeyadii ku qasabtey dowladii Soomaaliyeed ee markaa heshey madaxbanaanidii qarannimo in Midowgii Soofiyeeti ka codsato in ciidamo Milatari u dhisaan Soomaaliya kadib markii ay dowladihii Reer Galbeedka inoo diideen in ay inoo dhisaan ciidan Milatari gaar ahaan Mareykanka iyo Talyaaniga.

Soomaalidu waa in marka hore dhexdooda ka heshiiyaan si qarannimadii iyo dowladnimadii Soomaaliya u soo noqoto laakiin ummad kala socota hawadeeda iyo xuduudaheeda ma difaacan karaan. Xeerarka caalamigana ilaa iyo xad ayey xuquuq ku siin karaan oo ku difaaci karaan.

Ilyaas Mohamud Hussein