Maqaal: Shacabka Soomaaliyeed oo jahwareer iyo murugo calooshood la ooyayo

Shiikh ka mid ah Shiiyada ugu caansan Soomaaliya ayaa waxaan mar ka dhegeystay isagoo ka hadlayay dhibaatada ku dhacday Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay dhibaato xoog leh gaartay, caqligoodiina uu gaddoomay, taasina ay daliil u tahay jah wareerka iyo iska daba wareegga ay muddada dheer ka soo kaban la’yihiin.

Wuxuu tusaaleeyay shiikhu in Soomaaliya ay kala garan la’dahay cadowgeeda iyo saaxiibkeeda iyo waxa dantooda guud ay ku jirto, iyadoona taasina ay tahay mid cad oo la garan karo, balse ay ummadeennu ku adkaatay in ay gartaan cidda u daran.

Si walba oo dad ka soo jeeda hal waddan ay u kala aragti duwan yihiin, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan iyo diin ahaan waxaa jirta wax ay ka siman yihiin oo ah inay si isku mid ah uga soo hor jeestaan haddii dal ka mid ah dalalka caalamku uu ku soo xad gudbo dhulkooda bad, berri iyo cir.

Maanta cid waliba way ka dheregsan tahay halka aan kala mareyno annaga iyo dalka aan deriska nahay ee Kenya oo xadgudubyo badan oo ka baxsan sharciga ka sameeyay dhulkeenna hadday ahaan lahayd bad, berri iyo hawadaba, waxaana haatan maxkamadda ICJ ka socda dacwad lagu dhegeysanayo qayb ka mid ah badda Soomaaliya oo ay Kenya sheegatay. waxaa intaa dheer in gudaha dalkeenna ay joogaan Ciidammado Kenyaan ah oo qaarkoodna magaca AMISOM ku jooga, qaarna ay bilaa amar ku joogaan.

Kenya waxa ay hadda ka hor amartay in diyaaarad walba oo ka imaanaysa Soomaaliya marka hore la soo mariyo garoon ku yaalla Wajeer inta aysan soo gaarin Nairobi, halkaas oo baaritaan lagu sameeyo dhammaan rakaabka Soomaaliyeed iyo alaabta ay wataan, waana xeer illaa iyo haatan ay Kenya ku dhaqanto.

Sharcigaasi dowladda Soomaaliya way ka gil gilatay, hase yeeshee waxba waa laga qaban waayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay iyana amartay in diyaarad walba oo ka imaanaysa ama u baxaysa Kenya lagu baaro Xamar oo ay marka hore soo marto, balse taasi waxaa dood ka keenay dad badan oo Soomaaliyeed oo ay Siyaadiyiinta qaarkood ugu horreeyaan kuwaas oo ay la noqotay tallaabo sharciga baal marsan, iyagoo Soomaaliya kaga hiiliyay Kenya halkii ay ahayd in ay dalkooda la saftaan oo ay taageeraan go’aanka dowladdoodu soo saartay xilligan xasaasiga ah.

Maanta haddii aan Soomaali nahay waxaan mareynaa inaan sacab, mashxarad iyo roog cas magaallada Kismaayo lagu soo dhoweeyo Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo hormuud ka ah dhul boobka lagu hayo Soomaalida.

08 Agoosto 2019, Aadan Barre iyo hoggaamiyaha xildhibaannada laga badan yahay ee ku jira Baarlamanka Kenya, John Mbadi waxa ay si wadajir ah Baarlamaanka u hor geeyeen warqad ay saxiixeen oo ay ugu baaqayeen xukuumadda Uhuru Kenyatta inaysan si sahal ah uga harin Kiiska Badda ee Soomaaliya, isla markaana ay awood ku maquuniyaan Soomaaliya haddii laga fursan waayo oo markaa dowladda Kenya ay ciidammo geyso biyaha Kenya sheeganayso ee ka tirsan badda Soomaaliya.

Maxaa laga sugayaa dowladda Soomaaliya?

Kolleey meel madaxa ka sarreysa oo la salaaxo ma jirto, Kenyana waxaa xadgudubkeedu uu gaaray bartii ugu sarreysay oo u dhiganta “Maxaad tari kartiin?, sidii aan doonno ayaan idinka yeelaynaaye”.

1. Waxaa dowladda Soomaaliya laga doonayaa in madaxdeeda ugu sarreysa ay si cad u soo hor fariistaan shacabka, isla markaana caddeeyaan go’aanka Soomaaliya ee ku aaddan cadawgan ku soo gardarrooday dhowrka jeer, iyadoo ka billaabaysa in ay dalka ka saarto safiirka Kenya Lucas Tumbo, keedana u yeeranaysa.

2. Waa in dowladda Soomaaliya ay soo saartaa go’aan kama dambeys ah oo dalka Soomaaliya oo dhan looga saarayo ciidammada KDF ee Kenya hadday ahaan lahaayeen kuwa AMISOM ku jira iyo kuwa aan ku jirin ee markay doonaan xuduudaha ka soo gudbaya.

3. Waxani ma ahan tallaabooyin laga baaqsan karo ama wax indhaha laga qarsan karo ee waa arrin shaki gelinaysa madax bannaanida dalkeenna iyo jiritaankiisa haddii aan ka aamusno.

4. in dhammaan isu socodka labada dal la hakiyo.

5. in la joojiyo dhammaan Qaatka nooga imaada Kenya ee aan ku bedelanno lacagta Kaashka ah ee dollarka ah, si loo dareensiiyo Kenya in ay annaga inta badan naga faa’iiddo, waxa aan innaga ka faa’iidnana ay yar yihiin.

6. Waa in xoog iyo xeelad teey noqotaba Ciidanka xoogga Soomaaliyeed kuwooda tababarka fiican qaba la geeyaa Xuduudda aan Kenya la wadaagno, halkaasna loogu geeyo waxyaabaha ay xaqa u leeyihiin dawo, cunto, daryeel iyo mushaar.

Waxyaabahan oo dhan waa kuwo ay sameyn karto dowladda Soomaaliya ee aan wax dhibaato ah ku jirin, sharciguna uu banneynayo in la difaaco qarannimada iyo madax bannaanida dalkeenna.

Gebagebadii waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed in aysan si indha la’aan ah u taageerin waddan si joogto ah u banneystay ku tumashada qarannimada Soomaaliyeed, kaas oo dowladda Soomaaliyana ay dhowr jeer dacwad ka gudbisay, dacwadahaas oo mid ka mid ah oo ah tan ugu daran ee baddana la filayo in dhowaan go’aan kama dambeys ah ay ka gaarto maxkamadda ICJ haddii aan kiiskaasi mar kale dib loo sii dhigin.

Yahya Yussuf