Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Dilay Taliyaha Ilaalada Madaxweyne Waare iyo Sarakiil Kale

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Maamulka Hir-shabeelle iyo kuwa Al-shabaab oo ka dhacay Duleedka Magaaladda Jowhar.

Dagaalka ayaa ka dhacay Deegaanka oo u dhexeeya Xawaadleey iyo Jowhar oo qiyaastii 9km dhanka koonfureed kaga beegan magaalo Madaxda Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkaan oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegay in uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadda halkaas ku dagaalamay.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahisay in dagaalka lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Maamulka Hir-shabeelle.

Sarkaal ka tirsan taliska ciidanka Al-Shabaab ayaa warbaahinta Shabaab u sheegay in dagaalkaas lagu dilay ugu yaraan todobo (7) askari oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Cabdi Xasan Dhiileey oo ahaa ku-xigeenka Taliyaha Ilaaladda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, halka sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale.