Faah Faahin ku saabsan Shil Gaari oo ka Dhacay Magaaladda Berbera

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Magaaladda Berbera ee Maamulka Somaliland.


Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceyn gaari nooca loo yaqaano Noha oo siday ku dhawaad 20 qof kana yimid dhanka Hargaysa iyo gaari jaad ay leedahay Shirkada Soofe oo ka yimid yimid Burco.

Inta la xaqiijiyay waxaa shilka ku dhintay 14-ruux,waxaana la dhigay isbitaalka magaaladda Hargeysa.