Duqa Xambaarkiisa ma Daash ayaa lagu Dumin Rabaa mise Daacad ayaa laga Yahay?

Dhacdo xiiso badan ayay aheyd qaabkii Senator Muuse Suudi loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaanyo, Hab-maamuus aad u sarreeyo ayaa odyaga loogu sameeyay magaaladaasi, jaceylka iyo taageerada loo hayo ayaa loo muujiyay!

Farxad ayaa lagu soo dhaweeyay, ereyo lagu weyneynayo ayay dadku ku dhawaaqayeen, waa la #Xambaarey si loogu caddeeyo in maqsuud laga yahay booqashadiisa #Kismaanyo.

Dad u muuqda Taageerayaasha Dhaw ee Axmed Madoobe ayaa Senator-ka kor u qaaday, iyaga oo ku dhawaaqayay #Guul_Guul, is-Weydiin badan ayay arintaasi dhalisay, aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay.

Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ayaa dhacdadaasi soo dhaweysay, waxayna sheegeen in odaygu mudan yahay in la karaameeyo oo la Xambaaro, fekerkaas waxaa mid ka duwan rumaysan qeybo kale oo shacbiga ka tirsan, kuwaasi oo Aaminsan Xambaarkaas inaan Daacad laga aheyn balse la doonayo in Daash lagu Dumiyo.

Senator Muuse Suuudi ayaa ka mid ahaa wufuudii shallay tagtay magaalada Kismaanyo si ay uga qeyb galaan caleema-saarka Axmed Madoobe oo aaney Dawladda Federaalka aqoonsaneyn!

Siyaasddo is-diidan ayaa xilligaan ka Jira gudaha Soomaaliya, lamana oga halka ay arimahaan ku raad go’i doonaan!

Shiiqaalow Xassan
#Allow_Amuuraha_Soomaaliya_Sahal!