Cristiano Ronaldo Oo Xulka Qarankiisa Ku Hogaamiyay Guul Ay Ka Gaadheen Luxembourg Kulan

Xulka qaranka Portugal ayaa sii wada guulaha tartanka is reeb-reebka Euro 2020 kadib markii ay garaaceen xulka Luxembourg iyaga oo ku sii dhawaanaya in ay u soo baxaan warreega Group-yadatartanka Euro 2020.

Xulka Portugal ayaa ciyaarta ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo xulka Luxembourg ku qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Xulka qaranka Portugal ayaa daqiiqadii 16-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo hogaanka u dhiibay xulka qarankiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Xulka Portugal ayaa isku dayay in uu dhaliyo goolal kale siina dheeraysto laakiin xulka Luxembourg ayaa si fiican u difaaacday kana hor istaagay Portugal in ay dhaliyaan goolal kale.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo uu xulka Portugal ku hogaaminayay 1/0 waliba soo bandhigay qaab ciyaareed fiican oo ay ku dhalin kareen goolal.

Qaybtii dambe ayuu Xulka Portugal sii waday raadinta goolal kale iyo waliba in ay dilaan ciyaarta si uuna xulka Luxembourg ugu soo laaban ciyaarta.

Daqiiqadii 65-aad ayuu Cristiano Ronaldo u dhaliyay goolka 2-aad isaga oo hogaanka u dhexeeyay xulka qarankiisa kana dhigay 2/0 ay ku hogaaminayaan ciyaarta.

Xulka qaranka Portugal ayaa daiiqadii 89-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Goncalo Guedes kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Portugal guul 3/0 ah ku gaadhay kuna sii dhawaaday in uu iska xaadiriyo tartanka Euro 2020.