Bis bisle, Boris Johnson wax Ka baro!!!.

Ra’isul wasaaraha Ingriiska Boris Johnson, odaygaan Bisbiska leh, maxaa Ku diray Islaamka hadiiba uu asal ahaan Ka Soo jeedo Qooys Muslim ah oo Turki ah.

Boris, Abuulankii Cali Kemal Bay AUN waxa uu Ku dhashay Istanbul ( 1867-1922) waxa uu ahaa Nin Diinta Ku wanaagsan, waxa uu lahaa wargeyska Ikdam 1912 ( Sernuharriri) , 3 Biloodna waxa uu noqday wasiirka arrimaha gudaha Turkiga.( F.S: 1aad)

Waqtigii uu Yurub joogay, Waxa uu aroosay Haweeney ingriis ah Mrs.Winifred Brun.( F.S: 2aad) waxa ey u dhashay hal gabar Salma iyo Labo wiil Zeki iyo Osman. Osman oo ah Boris Abkowgii ( F.S: 3aad). Geeeridii Cali Kemal kadib faracii waa laga bedelay Magacyadii Islaamka.

Cali Kemal oo Ka tirsanaa Kooxihii la baxay Xureeynata Turkiga waxaa laga Afduubtay Istanbul waana la dilay.

Wiilka Abuulanka uu u ahaa ee hadda Raiisul wasaaraha Ingriiska noqday, Boris Johnson magaciisa oo buuxu waa Alexander Boris Dr Pfeffel waxaa uu New York Ku dhashay 19 June 1964 . ( F.S: 4aad) waa qoraa, Gabyaa, Siyaasi. Waxa uu tegay Turkey dhowr jeer isaga oo raadinaa Taariikhdii Abuulankii Cali Kemal.

Mar kasta waxa uu ahaa Nin Islaamka neceb iyo Turkiga uu Ka Soo jeedo, illa naceeybkiisu gaaray in uu Ka tiriyay Madaxweynaha Turkiga Gabay uu Ku Been Caayay in uu Ri u galmooday, Gabaygaa oo loogu Abaal guday £ 1000, waxa uuna muujiyay Muslim naceeyb. Haddii uu Islaamka amaani lahaa xilkaa looma dhiibeen, Qur’aanka ayaa noo sheegayo in Gaaladu eyna na jecleeyn, ilaa aan Miladoodo ey Rabaan aan Raacno.

Isagana Siyaasaddu uma fiicno hadda. ALLAA toowfiiqda Ka dhumiyay.

Ubadkaaga aad Dibadda Ku dhashay yeeyna Boris kaa noqon, Ka ilaali in Diinta iyo Magaca ey bedeshaan.

ALLA ha kuu toosiyo ubadka kuwii Adiga, Dalka iyo Diinta wax taro ALLA ha kaaga dhigo. Faracooduna kuwii Firkooda raaco ALLA ha kaaga dhigo. Aamiin.

FG: wixii aan khalday Ka sax,wixii Ka dhimanna Ku dar.

Qore: Yahya Amir