Wafdi Dowladda Kenya ka socda oo ka qeyb galaya xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan ayaa ka sheegay inuu hoggaamin doono guddoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale, senataro iyo xildhibaano ka tirsan Kenya.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in wafdigan ay ka qeyb galaan caleema saarka madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya, iyadoo Wafuud kale duwan ay ka qeyb galayso xaflada caleema saarka madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka dhacaysa magaalada kismaayo.