Doowladu Gool Siyaasadeed oo madaxa looga dhaliyay, ma ogolaato hadeeynan iyadu dhalin=Nasashada Jimcaha. Q-169 aad=

Haddii, Haddii, Haddii aad Gaalkacyo tagee talooyinkaan qaado.

1-Haddii aad wariye tahay Hubso Barnaamijyadaada . Barnaamijka Idaacadda Gallkacyo ey soo deeyso, galab kasta 9: 00 PM ee Heesaha Dalbo Dooqaaga, Mid Soonkii Baahiyo ka tan badisay ayaa lagu yiri: Dooqaaga dalbo, markaa ayuu yiri: Noo soo daayaa Aadaanka Maqrib,si aan u Af furno.

( Laakin Xildhibaan dhib kasta oo heysto kuma leh: Doorashada Xildhibaanadaa Noo soo hor mariya)

2-Haddii aad u daawasho tagto Kubadda Cagta hala yaabin: Gool looma aqoonsano, kubadda Madaxa lagu dhaliyo, waxaa la yiraa Kubadda Cagta ee lama yiraa kubadda Madaxa ayeey ku leeyihiin.

Haddii aad Garoonka tagto, Hubka fududna waa la ogolyahay, koox ciyaar u timid Gaalkacyo ayaa mid ciyaartooydii ka mid ahi waxa uu arkay Number 9 kii Gaalkacyo oo Middiyo u xiran tahay, waxa uu u tagay Garsoorihii oo uu ku yiri: Ninkaan la ciyaari meeyno oo Middi ayaa u xiran. Garsoorihii ayaa shaatigiisa kor u qaaday oo ku yiri: Tan sideey ka tahay.( F.S: 1aad)

(Doowladu Gool Siyaasadeed oo madaxa looga dhaliyay, ma ogolaato hadeeynan iyadu dhalin)

3- Haddii aad dhakhtar tahay, Reer Gaalkacyo ha isku dhihin “Baabasiir” ayaa ku hayo ,waxaana lagaa fiirinayaa Dabada , weliba hadduu yahay Qof Culumo ah, naftaada ha seegin, sida kuwii hore.

Sidoo kale ha u qorin kaniiniga yar yar, daawo uma yaqaaniin, hadduuna waaweyneey Kaniinigu. Afar xabbo oo yar yar ayuu isku mar liqayaa, wixii gaarana waa Adiga. ( F.S: 2 & 3aad)

( Siyaasigu Lacagta yar yar xatooyo uma yaqaan, Hanti dhoowrkuna Sharoobo ayuu ugu bedelaa marka dambe)

4-Haddii aad makhaayad tagto, cuntada wax ha ka sheegin, Haddii Magaalada Dabeeyl badani ka jirto. Nin ayaa waxa uu dalbaday Bariis, Bariiskii ayuu Carro ku arkay markii uu dhadhamiyay, haddana Rooti ayuu dalbaday Carro ayuu ku arkay. Waxa uu yiri: war cuntadaan Carrada leh iga celi. Waxaa lagu yiri: Adigaa Bannaanka dabeeysha ah ka yimid, Afkaaga ayeyna Carradu horay ugu jirtay, ee hadaan kaa celiyo yaa Adiga kaa liito oo aan u geeynayaa, War iska bixi lacafta. ( F.S: 4aad)

( Reer Marko waxay yiraahdiin: yaa Adiga kaa liito oo Canshuur laga qaadi lahaa, war iska bixi)

5-Haddii aad tagto Xaafada ama Dabaqa “ Garoobo bile” ee Gaalkacyo, Haweenka Jaadka iibiyo ka fogaaw. Tan ugu horeeyso ayaa ku leh Aniguu Jaadka iga qaadanayaa, Ninkani Hore ayuu ii qabi jiray. Haddad ka iibsan weydana , Meher ayaan ku leeyahay ayaa ku sugee.( F.S: 5aad)

( Qasab ku ogolaaw ama Qaan kale qoorta gasho, Agtaadana waa ka jirtaa)

6- Haddii Gabar is cadeeysay aad la hadlee, ammaanta haka badin. Mid ayaa isaga oo leh: “Bbe igu kalsoonaaw”, ayaa Gabadha Aabaheed maqlay, markaa ayuu ku yiri: war midabkii ALLAAH uu u abuuray ayeey ku kalsoonaa weyday oo weey is cadeeysay sideey Adiga kuugu kalsoonaanee.

Haddii Gabadhu ey idha shareer wadato, oo indhaha kaliya ey ka muuqdaan oo aad salaame, wax haka sheegin ee dheh: indhoow waa idin salaamay oo kaliya.

Haddii aad taleefon kula xiriiree Qof, codka qofka iska baro, Qof aadan aqoon ayaa telefon kugula soo xiriirayo oo ku leh: Car bal igaro, sheeg qofkeen ahay. ( F.S:6aad)

FG: Cawa Reer Gaalkacyo laftooda ayaan u dhaafay wixii lagu qori lahaa Nasashada.

Qore: Yahya Amir