Soomaaliya Waxaa lagu xukumay karaa dhulqaad iyo isu sabrid laakiin….

Soomaaliya waa qaran burburey, welina dowlad dhab ah kama jirto. Waxaa lagu jiraa marxalad dowlad dhisid iyo dib usoo kabasho. Marxaladan waxaa looga gudbi ahaa keliya in siyaasiyiinta Soomaalidu laysku soo jiido, talada dalka laysla gudoonsho, laysku tanaasulo, ummadu laysku hayo oo aan la kala fogeyn. Wixii sharci ummadu ku heshiisana la dhowro.

Lama joogo xilli laysku dowladdeeyo, siyaasi iyo deegaan la’ go’doonsho. Nin Madaxweyne dalkan ka soo noqdeyna airaport laga celsho. Qofka intaas fahmi karin waa qof xilliga Soomaalidu joogto iyo siyaasadeeda ka dhacdan oo riyo qiyaali ah ku jira.

Xuduudaha dalkeena ayaan sugnayn, ciidamo shisheeye ayaa amniga dalkeena sugaya. Miisaaniya dowladeenuna kala bar beesha caalamka ayaa bixisa. Si qaran u noqono waa in talada dalka miis dhaxe la dhigaa oo laysla gudoonshaa oo uusan qofna ku takrifalin awooda yar ee sharciga siiyey. Ummadduna wadajirkeeda iyo isku keenisteeda waa in laga shaqeeyaa.

Qof aan degmada Afgooye ka talin in hawada Soomaaliya xiraa waa igu maangaabnimo. Caqligu ha shaqeeyo.

Ilyaas Mohamud Hussein