Saraakiil ka tirsanayd Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Garbahaarreey:-Guuliye Xareed Muxumed iyo Cabdalle Naasiri Ibraahim oo ka tirsaa Kooxda Al Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka qeybtooda ku sugan Magaalada Garbahaarreey ee Gobolka Gedo, sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee SONNA.

Labadaan Nin ayaa muddo ka mid ahaa Argagaxisada Al-Shabaab, iyagoo sheegay in ay muddadaas dhibaato badan u gaysteen Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa deggan Gobolka Gado .

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee jooga Garbahaarreey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ragaas ay xiriir lasoo sameeyeen markii dambana ay Gacantooda soo galeen iyaga oo Hubkoodii wata loona sii gudbin doono Laamaha qaabbilsan.

Bilooyinkii u dambeeyey waxaa soo kordhayay Maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka mid ahaa Argagaxisada oo isku soo dhiibaayay Ciidanka qalabka sidda, kadib markii u ay adkeysan waayeen howl-galladda Ciidanka ka sameynayaan degaannada ay Dadka ku dhibaataan.