Nabadoon Cusub oo loo Caleema-saarey Degmada Cadale

Xaflad aad u ballaaran oo lagu soo bandhiggayay Naboonka cusub ee Degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle, Duqii hore ee Muqdisho, siyaasiyiin, madax dhaqameed, aqoonyahanno, culumaa’udiin, ganacsato, qurba-joog, saraakiil ciidan, dhallinyaro iyo haween ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay culumaa’udiinka kala ah Sheikh Cabdi- Salaan Sh. Shariif Sh. Muxyadiin Celli, Sheikh C/llaahi Axmed Cali {Madoobe} iyo Sheikh Daa’uud Sh. Muxumed Sh. C/raxmaan Celli, Mashaayiiqdaas ayaa ku dheereeday waanaga ay leedahay xiriirinta Ehelada, iyaga oo Alle uga baryay nabadoonka cusub ee Degmada Cadale nabadoon Nuur Ciyoow Geeseey inuu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Al-ustaad Xaaji Cabdi Muuse Cabdi {Ayaanle} oo ku hadlayay magaca Guddiga Qaban-qaabada munaasabaddaasi ayaa ka warbixiyay heerarkii loo soo maray soo xulida nabadoonka cusub ee Degmada Cadale, waxaana uu caddeeyay muddo aan yareyn inay soo socotay hawshaasi, isaga oo hoosta ka xariiqay nabadoon Nuur Ciyoow Geeseey inuu yahay odey dhaqameed ka soo dhalaali kara Madaxtinimada dhinaca dhaqankla ee loo Caleema-saarayo.

Nabadoon Xuseen Cumar Maxamed {Xaraare}, nabadoon Maxamed Xuseen Kaba-jaan (Hawl-badne), nabdoon Bool Cumar Daalane, Ganacsade Xaaji Cali Axmed Hilowle, Halyeey Maxamed Axmed Geeseey, aqoonyahan Maxamed Geedow Cadaawe, Cabaas C/raxmaan Kooli iyo marwo Safiyo Baarbe Cali oo iyaguna xafladdaasi ka hadlay ayaa sheeegya inay ku faraxsan yihiin nabadoonka la duubay, waxayna ku nuux-nuuxsadeen inay ka go’an tahay la shqeynta iyo taageerida nabadoonkaasi.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi qiimaha badneyd ka hadlay Guddoomiyha Dallada Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cusmaan Muxyadiin Tahliil (Shaatax), Agaasimaha Hawlaha Guud ee Madaxtooyda Federaalka Farxaan Xasan Axmed (Farxaan Soomaali), Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga Hirshabeelle Xildhibaan Maxamed Xuseen Mooge iyo Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka, ahna Duqii hore ee Muqdisho Gen, Xasan Maxamed Xuseen {Muungaab}, kuwaasi oo sheegay inay soo dhaweynayaaan nabadoonka la doortay, waxayna balan-qaadeen inay la garab taagnaan doonaan hiil iyo hooba.

Gaba-gabadii munaasabddasi waxaa ka hadlay nabadoonka cusub ee Degmada Cadale nabadoon Nuur Ciyoow Geeseey oo sheegay inuu caddaalad ugu adeegi doono ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu codsadey in gacan lagu siiyo gudashada xilka loo igmadey, isaga oo dadka ugu Duceeyay inuu nabad, kheyr iyo wanaag siiyo.

Nabadoonkii hore ee Degmada Cadale Macallin Maxamed Maxamuud {Macallin Xabeeb} oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka nabadoonnimada Degmada Cadale uu ku wareejiyo nabadoon Nuur Ciyoow Geeseey, waxaana uu bulshada ka codsadey in lala shaqeeyo nabadoonka cusub.

Qaar ka mid ah Abwaannadda ku xeel dheer Suugaanta loo yaqaanno Shiribka ayaa halkaasi ku soo bandhiggay Shirib ay ku taageerayeen nabadoonka cusub ee loo caleema-saarey Degmada Cadale.