Madaxweynayaashii Hore Ee Soomaaliya oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

Soo dhaweynta Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa ka socota Magaalada Kismaayo ee Maamul Gobaleedka Jubbaland halkaasi oo dadweyne badan iyo Madaxda Jubbaland ay ku soo dhaweynayaan Mas’uuliyiintaan.

Ujeedka Safarkood ayaa ah ka qeybgalka Munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Wafuud ayaa ku qul qulaysa gudaha Magaaalada Kismaayo, kuwaas oo ka qeybgalaya Caleema saarka Madaxweyne Axmad Madoobe.