Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland oo u ambabaxay Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garawe ayaa sheegaya in madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani uu u ambabaxay dhinaca magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in madaxwayne Dani uu garoonka Garawe ka duulay abbaare 8 subaxnimo.

Waa wafdigii labaad oo magaalada Kismaayo gaara muddooyiinkii ugu dambeeyay.

Arrintan ayaa ku so beegmaysa xilli ay dowladda Soomaaliya xayiraad kusoo roogtay diyaaradaha aada Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo lagu wadaa in ay dhawaan ka dhacdo xaflada caleema saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaan.

Waxaa horey magaalada Kismaayo uga dagay wafdi ay ka mid ahaayeen madaxwaynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan sh aadan iyo madaxwyanihii hore ee Galmudug Cabdi Kaiim Guuleed.