Wararkii ugu Dambeeyay Dil xalay a dhacay Xarunta Degmadda Hodan ee Muqdisho.

Kooxo Hubeysnaa ayaa Xalay Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen mid kamid ahaa Shaqaalaha Xarunta Degmadaas.

Dilkaan ayaa ka dhacay meel ku dhow xarunta Degmadda Hodan,waxaana ninka la dilay uu isku ahaa Waardiyaha Xarunta, iyo Shaqaale dhanka Nadaafadda ah.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in rag bastooladdo ku hubeysnaa ayaa fuliyeen dilkiisa,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.