Madaxweyne Xaaf oo taageeray Guddiga dhismaha maamul Goboleedka Galmudug

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo dhoweeyay Guddiga farsamada dhismaha Galmudug loo dhan yahay, isagoo ku baaqay in la taageero.

Mudane; Xaaf ayaa qoraal kasoo abaxay Xafiiskiisa ku sheegay in uu la shaqayn doono Guddigan oo ay Magacowday Wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo howl-wadeennada ugu baaqay in ay waajibaadkooda u gutaan si ay ku dheehan tahay hufnaan iyo caddaalad ayna ka fogaadaan wax walba oo keeni kara shaki.