Diyaarad maanta ku soo Dhacay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho

Wararka laga helaayo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhabbaha diyaaraduhu ka soo degaan kana kacaan ee Garoonka ay ku soo dhacday diyaarad.

Diyaarada kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa la sheegay inay aheyd nooca Xamuulka qaado,kadib markii ay luga u bixi waayeen.

Sidoo kale waxaa la xiray dhabbaha diyaaraduhu kasoo degaan kana kacaan ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in diyaarada soo dhacday wax dad ah aysan la socon,isla markaana waxaa siday xamuul oo weli wax faah faahin laga bixin.