3-Ruux oo la Goystay lacago iyo Xogihii Hay’adda Nabadd Sugidda Soomaaliya.

Taliye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), Generaal Cabdala Cabdala ayaa sheegay in Seddex Xubnood oo ka tirsanaa Hay’adda ay la goysteen lacago iyo xogihii Hay’adda.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in jahwareer uu ka dhex jirey Hay’adda ilaa habeenkii xalay ahaa.

“Waxaa ilaa shalay xaalad jaahwareer iyo Cabsi ah ay ka jirtaa Hoggaanka sare ee NISA kadib markii xubin sare oo ahaa qof 3 aad uu la goostay lacag badan horeyna usii qaatay data base kii NISA oo dhan,waxaa wax lala yaabo ah in aan ilaa hadda la ogayn sababta ku kaliftay iyo halka uu ku wajahanyahay… Ninkaas oo nisa kusoo biiray 2018 !!! Horeyna uga tirsanaa ururada Xagjirka ah,waa nasiib darro weyn waxa maanta ku dhacay NISA,faahfaahintiisa iyo cadaynta waxaan ka sugaynaa dowladda Somalia !!!