Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay u qaybsanayaasha dhanka ciidamada D.F.S ee Caalamka “Sawirro”.

Muqdisho:-kulankaan oo uu shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga D.F.S Xil.Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye guuto Odawaa Yusuf Raage iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan Xasan.

kulankaan ay masuuliyiintaan la qaateen u qaybsanayaasha Ciidamada D.F.S ee Caalamka, Waxaana laga Dhagastay xog ku aadan dalalka ay somaaliya ku matalaan iyo xaaladda ay ku sugan yihiin.

Wasiirka Gaashaandhigga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u qaybsanayaasha ciidamada D.F.S ee Caalamka ay wax badan ku soo kordhin karaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya , iyagoo suurtagalin kara tababaridda ciidamada Xoogga dalka, isla markaana kala hadli karaan tayaynta ciidamada dowladaha ay ku matalaan ciidamada dalkeenna Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ayaa xusay in D.F.S ay ka go’an tahay soo celinta maqaamkii Soomaaliya ay ku lahayd Caalamka .