Hogaamiye Daacad & Hogaamiye Doorshaan.

Haddii Doorshaan ( Xaar walwaal) aad Ka dhaadhacsiiso in Keegu-Cake (Doolshuhu) uu Ka macyahay Xaarka. Waxaad tahay Qof Karti & Aqoon leh. ( F.S: 1 & 2aad)

Ma Ku dhihi kartaa Madaxda qaar, in ey harsadaan Geed harweyn oo Qaran la yiraa, ayaa fiican intii ey harsan lahaayeen, Kurtun qalalan oo Qabiil la yiraa.( F.S: 3 & 4aad)

Ubadku waxa ey Ku daysadaan sida waalidku u dhaqmo, Shacabkuna sida Hogaamiyuhu u dhaqmo.

Madaxeey, Doorshaan ha nagu noqon ee Daacad noqo,Jiilka dambena ha Ka dhigin kuwo Wasakh & Saxaro Quuto. Qaranna, Qabiil ha u bedelin.

Annagana hanagu xujeeyn in Doorshaan xaar bartay aan Ka dhaadhicino, Doolshaa Ka Mac Xaarka.

Waa iga Talo.

Qore: Yahya Amir