Xildhibaan Joodax:- “Rajo Ayaan Ka Qabnaa in Kenya Kaga Guuleysano Kiiska Badda..”

Warsame Maxamed Goodax oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Kiiska Dacwadda Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya Kenya, iyo diidmadda Dowladda Soomaaliya ee ku aadan in dib loo dhigo dhageystiga kiiska.

Xildhibaan Joodax oo la hadlayay idaacadda Simba ayaa rajo ka muujiyey Soomaaliya ay guul ka gaarto Muranka ka taagan Waqtiga ay bilaabanayso Dooda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Warsame Joodax in Kenya ay sheeganayso badd aysan laheyn, taasi ay cadeyn u tahay sida mar walba ay Maxkamadda ugu codsanayso in dib loo dhigo kiiska Badda.

Kenya ayaa Somalia ku cadaadineysa in wadahal lagu dhameeyo kiiska badda ee udhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya waxaana arintaasi gaashaanka udaruuray dowlada federaalka Somalia iyadoona madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Somalia Mohamed abdullahi farmaajo uu shirka golaha amaanka ee qaramada midoobay ka sheegay in dowlada Somalia ay ka warsugi doonto go,aanka maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ.