Sweden oo Soomaaliya ka gacan siinaysa Garsoorka dalka iyo dhammaan Hay’addaha Cadaaladda.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS mudane Xassan Xuseen Xaaji iyo xubno la socday ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dalka Sweden u fadhiya soomaaliya Mudane Staffan Tillander.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta garsoorka dalka iyo dhammaan Hay’addaha Cadaaladda. labada mas’uul ayaa isla meel dhigay in ay lagama maarmaan tahay sare u qaadidda iyo horumarinta Hay’addaha Cadaaladda Dalka.

Safiirka Sweden ayaa ballan qaaday in dalkiisu gacan ka geysanayo arrimaha dib-u-dhiska iyo horumarinta laamaha cadaaladda soomaaliaya.