Dowladda Itoobiya oo Heshiis la Gashay Koox Ka Dagaalanta Gudaha Soomaaliya ee West-land.

Dowladda Itoobiya ayaa heshiis dhanka Ciidanka ah la gashay Xoogag hubeysan oo ka dagaalamaya Deegaano ka tirsan Gobaladda Koonfur Galbeed iyo bartamaha Soomaaliya.

Mustaf Cali Aadan Hogaamiyaha Maleeshiyaadka West-land ee ka dagaalama Gobolka Hiiraan ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay u balanqaaday in ay ka taageeri doonto dhanka hubka.

Isagoo la hadlayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Ethopia,islamarkaana ay si dhow ugu wada-hadleen arinta Taageeridda Maleeshiyaadkooda.

Maleeshiyaadka West-land ee ka dagaalama Gobolka Hiiraan ayaa dagaal kula jira Ciidamadda Al-shabaab,waxayna sheegeen in ay yihiin maamul ka madax banaan Hir-shabeelle.