Ciidamada Xoogga qaybta 21-aad oo Gacanta ku dhgay degmada Camaara ee gobolka Mudug+Sawirro

Gaalkacyo:- Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ee qeybta 21-aad oo uu hoggaaminayo taliyaha qeybta Janaraal C/Casiis C/llaahi(Qooje) ayaa howlgal qorsheysan ku gaaray degmada Camaara ee gobolka Mudug halkaa oo ka mid ah goobaha ay sida cabsida ah ku Joogeen kooxda Al-shabaab.

Howlgalkan oo ah mid balaaran ayay ciidamadu ku galeen dhamaanba xaafada Camaara iyagoo shacabka halkaa deggan ka xog wareysanaya dhibaatada kooxdu u geysatey shacabka mudadii halkaa ay Joogtay.

Taliyaha qeybta 21-aad Janaraal (Qooje) oo la hadley Shacabka Camaara ayaa u sheegey in ciidamadu ay horay usii socon doonaan Qorshuhuna yahay in la gaaro dhamaanba deeganada kale ee aan Xorta aheyn.

Gaadiidka dagaalka ee xoogga dalka ayaa si rasmi ah ugu sugan waddooyinka Camaara waxaana farxad iyo reyn reyn ku soo dhaweeyay ciidamada shacabka Camaara oo mudoba sugayay talaabadan .

Taliska 21-aad ayaa qorsheynayay muddooyinkanba howlgalada argagaxisada looga saarayo deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan ee Galmudug waana talaabo qayb ka ah qorshaha ciidamada Dowladu Ku wiiqayaan awooda kooxda Al-shabaab oo haatan sii daciifaysa .