Ogoow Jannada 4.5 laguma galo,ee camal ay la yimideen iyo Naxariis Alle, ayey ku muteysteen=Nasashada Jimcaha.Q-168aad=

1- Cabdullahi Bin Cabaas iyo Abbi Saciid Alkhadri waxaa laga wariyay Xadiith ah: Nabi Mohamed SCW waxa uu naga reebay in aan Afuufno weelka Cabitaanku ku jiro, haddii aad wasakh ku aragto ka saar ee ha afuufin, ka fiiri Xadiithkan . (Saxiixu Abii Dauud & Tarmadi) ( F.S: 1aad)

(Waxaa dhici karta in aad Labeen ka afuufto, ama in uu kulul yahay oo aad qabooji is leedahay, culumada qaar ayaa leh taasi waa deg deg, degdegta cuntadana lamina ogolo. Waxaa laga yaabee in jeermi ku jiro candhuuftaada ama neeftaadu uu gaaroweelka ,kadibna qof kale uu cabo.. Allaah ayaa nooga cilmi leh)

2- Xadiith kale waxaa Rasuulkeenu SCW noogu sheegay: waqtiga Qorax dhaca Caruurtiina xareeya, waa waqtiga Shayaadiintu ey fidiyaan. ( waxaad ka helee xadiithkan silsilatu saxiixa) ( F.S:2aad)

(Culumada Seyniska ayaa hadda leh: waqtiyada cirguduuda, ee kala wareega Kawaakibta, waxaa jira cuf Magnat ah, Caruurtuna ma xamili karaan)

3-Abii Hureyra ayaa Rasuulka SCW ka soo wariyay ( in nalaga reebay in aan dilno : : Xayawaanaadka kala ah: Quraanshada, Raha, shimbirta Sardi, Shimbirta Hudhud iyo Shinida. Sababta Allaah ayaa nooga cilmi leh. ( F.S: 3aad)

( Quraansho badan waaba dishee, hadda ka fiirso).

4- waxaa jira: Xadiith uu soo wariyay Ibnu Cumar: oo ka hadlayo sida Islaamku u weeyneeyay “Habar yarta” . Rasuulkeena Moxamed SCW ayaa Nin u yimid kuna yiri: Rasuulka Alloow waxaan galay Dambi weeyn, ma leeyahay Toowba keen? Rasuulka ayaa ku yiri: Hooyadaa ma kuu joogtaa: Waxa uu yiri Ninkii: Maya. Waxaa lagu yiri: Habar yartaa ma kuu joogtaa? Waxa uu yiri: Haa. Waxaa lagu yiri: u wanaag fal. ( ka fiiri: Saxiixul Albaani) ( F.S: 4aad)

( Darajadaa ayaa Islaamku siiyay Habar yarta. Waxaa laga yaabaa, haddii Hooyadaa Geeriyootay kadib in aad hilmaantay walaasheed. Isku day in aad la xiriirto hadda, Habar yar waa qaali, waana Hooyadaa walaasheed)

5-Tobankii Saxaabi ee Jannada loogu bishaareeyay iyaga oo nool waxa ey kala ahaayeen: 1- Abubakar Al Sadiiq. 2-Cumar Bin khitaab. 3- Cusman Bin Cafaan.4-Cali bin Abii Daalib.5- Cabdirahmaan bin Coof. 6-Subeyr Binu al cawaam. 7- Dalxa bin Cabdullahi. 8-Sacad bin Abi Waqaas.9- Saciid Bin Seyd. 10- Abu Cubeyda Bin Jaraax. Kuwa kale oo ahlu Janna ah oo diintu noo sheegtayna waa jiraan.( F.S: 5aad)

( ogoow Jannada 4.5 laguma galo, ee camal ey la yimideen iyo Naxariis Alle, ayey ku muteysteen in iyaga oo nool loogu bishaareeyo Jannada).

6-Rasuulkeena Moxamed SCW ayaa yiri: Qofku markii uu Firaashkiisa Jiifka tagayo, Haddii uu ku duceeysto Ducadaan. Dunuubtiisa waa la dhaafaa. Xattaa haddii ey tahay Muga Badda. ( ka fiiri: silsila Saxiixiya) ( F.S: 6aad)

( Maxaa kuu diidaya Caawaba inta aadan jiifan aad ku duceysato Ducadaan)

FG: Khayr Alla ha siiyo Macalimiintii iyo Ardaydoodii Axaadiithta iyo Culuunta kale isku soo Gudbiyay, Aamiin (F.S: 7aad)

FG: Aqoonteeyda ayaa intaa la ekaatay ee wixii aan ka khalday iga sax, Ajar iyo xasanaad Alla ha kaa siiyo.

Qore: Yahya Amir