HADALKA SAFIIRKA INGARIISKA EE U HADLAAYAY BEESHA CAALAMKA MA WUXUU KA TURJIMAYAA SIYAASAD CUSUB?

Safiirka Ingariiska ee Soomaaliya Amb. Ben Fender oo ku hadlaayo magaca beesha caalamka wuxuu yiri: “ Shirkii Caalamka iyo Soomaaliya aan wada yeelanay wuxuu ahaa mid lagu guuleestay, waxaan isku raacnay In si wada jir ah aanu uga wad shaqeeyno sanadka dame arimaha ayka mid yihiin kobcinta dhaqaalaha tasoo loo mari doono cafinta deentii Soomaaliya hore loogu lahaa, xoojinta amaanka, dib u habaynta meelaha u baahan is badal. Dhanka siyaasadda waxaan isku raacnay dhamaystirka sharciyada doorashadda iyo dib u eegista dastuurka” Amb. Fender.

MARKA AAD FASIRTO LUUGADDA DIPLOMACY-GA MUXUU HADALKAAN KU TUSAYAAA?

Marka hore waa inaan isla fahanaa inay jirto luugad u gaar ah diplomacyada, tasoo inta badan dadka aanan baran ayku adagtahay inay fahmaan ula jeedadda hadalka iyo siyaasada dahsoon ee ka dambeeysa.

Hadaba Hadalka safiirka waa mid ka turjinaayo siyaasadda caalamka ee ku aadan dalka Soomaaliya, wuxuu hadalkaani hor dhac u yahay isbadal siyaasadeed ee ku yimid caalamka taageera dalka Soomaaliya, markii hore waxay siyaasadooda ahayd In si wada jiray loo taageero dowlad goboleedyadda iyo dowladda dhexe, hadase Waxaan hadalkaan ka dareemi kartaa inay siyaasadaas la badalay oo hada loo soo jeestay In la xoojiyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, hoosna loo dhigo awoodii Dowlad goboleedyada dalka ka jira, taas waxaa daliil u ah inaan marnaba lees weeydiinin yaa maqan yaa joogo oo qo’aan la gaaray oo aan marna la soo hadal qadin mucaaradka.

Anigoo eegaayo danta guud ee dalka Soomaaliya, siyaasadda cusub ee caalamka maanta la yimid waa mid dan u ah qaranimadda dalka Soomaaliya, waa mid mudan In lagu amaano hogaanka dowladda Federaalka ee hada jira, waayo waxay kor u qaadeen xoojinta dowladnimadda dalka Soomaaliya.

Mahadsanidiin.

Sheikhnor Abucar Qassim