Gudoomiyaha Gobolka oo Amar Culus Dul Dhigay Shirkado iyo Dad Shacab ah+Sawirro

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duwa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa kormeer ku tegag goobo si sharci darro ah loogu shubo qashinka laga qaado xaafadaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa kormeer uu ku tegay goobo qashinka lagu shubo oo ku dhow deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho,isaga oo sheegay in ay cabasho uga timid shacabka degan halkaas iyo dad ganacsata ah oo wada qorshe xaafad casri ah looga dhisayo deegaankaas.

Mar uu la hadlayay shirkadaha u xilsaaran inay qashinka ka aruuriyaan xaafadaha magaalada ayuu tilmaamay inaysan jirin cid dhigi karta halkaas qashin iyada oo laga fakarayo caafimaad qabka dadka iyo bilicda deegaanka.

Dhinaca kalana waxaa iyana uu kormeer kale uu ku tegay deegaanka Gubadley ee waqooyiga magaalada Muqdisho waxaana uu digniin culus u dirag dadka Xeebta ku daadiya qashinka.