Taliyihii ugu Horreeyay Kumaandoska DANAB ee Mareykanka Tababaray oo ku geeriyooday Qaraxii Al-Shabaab ee B/Doogle.

Warar soo baxaya ayaa xaqiijinaya in qaraxii shalay ka dhacay Duleedka Magaaladda muqdisho uu ku dhintay Talihii ugu horreeyay Ciidanka DANAB uu tababaray Mareykanka.

Qaraxa uu ku dhintay Taliyaha ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelasha Biyaha iyo Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha dhintay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Cali Cismaan oo ku magac dheeraa (Maxamed Yare),wuxuuna ahaa Taliyihii ugu horreeyay qeybta 1aad ee loo tababaray DANAB.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo dhimashadda Talihii ugu horreeyay Ciidanka DANAB oo uu tababaray Mareykanka.