Kooxda Madasha Xisbiyada Qaranka oo Ku guuleysatay burburinta shirkii Xalane

Shirka shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhidibada loogu taagay Madasha Xisbiyada Qaranka “Forum for National Parties” hadii u jeedadiisa ay ahayd in lagu burburiyo ama lagu qiima tiro Shirka ka socda Xarunta Xalane waxaan dhihi karaa waa lagu gulaystay ujeedada laga lahaana, si buuxda ayaa loo gaaray.

Beesha Caalamka oo la rabay in la tuso in Xisbiyada ka jira Qaranka, Maamul Goboleedyada kuwooda tayada leh iyo Shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah ugu soo horjeeda qaab darrada iyo fool xumada ay wax ku wado Dowladda, iyo fashilka dhinac walbo ka haysato DFS iyo Madaxdeeda, yoolkii laga lahaa si balaaran ayaa loo gaaray, guul weyna waa laga gaaray.

Waxaa la tusay Beesha Caalamka in Dowladda iyo Mas’uuliyiinteeda ay go’doon ka yihiin Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed, in ay jirin wax xiriir ah iyo wadashaqayn fiican aysan la lahayn Dowlad Goboleedyada.

Midda kale kulankii ay yeesheen Madaxweynayaashii hore ee ka dhacay Gurigii MW CALI MAHDI ayaa xoojinayo ujeedada shirka maanta ka dhacay Caasimada soomaaliya Muqdisho ee loogu magac darray Madasha Xisbiyada Qaranka.

Hadii u jeedada ay ahayd in la mideeyo aragtida Xisbiyada waa lagu tacab beelay waxaana la muujiyay in aysan jirin aragti siyaasadeed ku aadan mustaqbalka
marka waxaan dhihi lahaa Xisbiyada meesha ku kulantay soo kama wanaagsaneen in ay hal Xisbi ku midowbaan oo hal siyaasad iyo hal barnaamij iyo hal istratejiyo yeeshaan,
xisbiyada mabdaiiyan waa in ay kala duwanaadaan waa in ay kala lahaadaan barnaamijyo muhiimadooda kala geddisan, aragtidooda iyo qaabka ay u wajahayaan dhaqaalaha, arimaha dibadda, wax barashada, caafimaadka iyo in kale ay u gaar tahay Xisbi kasto, mase Madasha Xisbiyada Qaran waa mid Dowladda Farmajo kaliya lagu cambaaraynayo.

Hadii u jeedada ee tan tahay waa lagu fashilmay waa lagu qasaaray oo shacabka waxaa la tusay in aan la haysan wax mabda oo qaranka lagu maamulo, wax siyaasad ah ayaana lahaynin.

Dr. Abuukar Nuur Xuseyn
Gudoomiyaha
Xusbiga Dimuqraadiga BDem